
Siyaasi Hal bil ku Jiray Barlamaanka Sweden oo iskaga baxay Golaha
STOCKHOLM, Sweden – Siyaasiga Jimmy Jansson oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (Xisbiga Shaqaalaha Bulshada) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka xildhibaanimo ee Baarlamaanka Iswiidhan, isla markaana uu ka fariisanayo siyaasadda xisbiyada, wax ka yar laba bilood kaddib markii uu xilka xildhibaannimo la wareegay.
Sida ay baahisay telefishinka Iswiidhan ee SVT, Jansson oo horay u soo noqday guddoomiyaha golaha fulinta ee degmada Eskilstuna, ayaa go’aankiisa ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, isaga oo sidoo kale sharraxay sababaha ku kallifay inuu tallaabadan qaado…
The skinny
The skinny isn't ready yet — notes appear once the transcript is processed.